Saturday, February 2, 2019

Sumcad Dilka Terra iyo Su’allaha Ku Gaddaaman!



“Musuqmaasuq soomaali waa meheradeediiye”- Sayidka .


Barnaamijka Baadigoob, waa barnaamij uu soo jeediyo wariye lagu magacaabo Abdirisaq Terra, sida uu sheegay wuxuu diiradda ku saaraa dhacdooyin qarsoon oo u baahan in daaha laga rogo si shacabka xaqiiqda u ogaadan.

Waxaan daawaday qeybtiisa u danbeysay, wuxuu diiradda ku saarayaa musuq-maasuqa ka jira Muqdisho, waa hubaal in Muqdisho tahay hooyada Musuq-maasuqa Soomaaliya oo uu ka jiro musuq-maasuq aad u baahsan, kaasoo mudan in laga dhiidhiyo, laga banaan-baxo, waayo waxa hantidooda la dhacayo waa shacabka dulman ee Muqdisho.

Judhiiba wariyaha, wuxu isku dayayaa inuu ka sheekeeyo taariikhda musuq-maasuqa hareeyay dowladnimada Soomaaliya 1960 ilaa hadda, balse wax tusaalle kama bixinayo ilaa laga soo gaaro 2012. Tanni waxay noqon kartaa aqoondarro taariikhda siyaasadda Soomaaliya ee wariyaha haysata ama inuu usoo dag dagayey u jeedkiisa oo ah 2012ka, waqtigaa oo Madaxweyne Xasan sheikh loo doortay madaxweynennimada Soomaaliya.

Halkan waxan kuso gudbin doonaa dhowr su’aal oo jawaabo u baahan.

Barnaamij hal dhinac ka raran:

Barnaamijka Baadigoob 3, waa barnaamij ka raran hal dhinac, waxaa kaliya lagu bartilmaameysaday xubno dowladda mucaarad ku ah, ma ahan barnaamij dheellitiran, cida ugu badan ee lagu waraystay waa xildhibaanno ama siyaasiyiin ay is hayeen kooxda madaxweyne Xasan sheikh waxaana kamid ah kaligii wadani- Sakariye xaaji cabdi, Abdulkadir Araleh iyo rag kale. Tusaalle ahan ninka lagu sheegay Abdulkadir Araleh oo ay ku sheegeen falanqeeye siyaasaddeed waa nin ka arradan siyaasad oo aan waxba kala soconin heshiisyada caalamiga ee dowladdaha la galaan dowladdo ama ururo kale, tusalle ahaan dadiiqada 24naad wuxu dafirayaa sharcinimada madaxweynennimadii Xasan sheekh oo wuxu leeyahay “ Halkan waxaa joogi jiray nin madaxweyne sheegan jiray, haddaad maqasheen magaciisa ma garanayo” ereyadani waxay gef cad ku tahay sharciyada iyo dastuurka wadanka, waana ereyo ay caan ku yihiin Farmaajo iyo Kheyre oo aaminsan in burburkii kadib dowlad iyo madax aan iyaga ahayn wadanku soo marin!

Ma diidani in musuq-maasuq baahsan uu jiray waqtigii Xasan sheikh haddane uu jiro mid lamid ah balse Musuqii dhacay berri horre iyo kan hadda taagan yaa muhiimsan in xog laga raadiyo si loo joojiyo, maxaa kalifay in barnaamijka kaliya ku koobnaado 4 nin oo qaraabo la ah xasan shiikh? Sow ma ahan sumcad dil loo maleegayo madaxweyne Xasan Sheikh

Wariyaha wuxu sheegay in ku dhowaad lix bilood waday baaritaanka warbixinta. Sido kale, wuxu sheegay in Faarax Cabdulqaadir iyo Cabdikarim guuleed ay Muqdisho ka maqanyihiin sidaa awgeed aysan u suurtogellin waydiinta eedda musuq-maasuq ee uu soo jeediyay. Ogaalkay Faarax Cabdulkadir, Muqdisho kama maqnaanin labo bil oo isku xigta! 

RA International
Daqiiqada 30naad ee barnaamijka Baadigoob wuxu is dultaagayaa oo si mutaxan inoo barayaa shirkad wariyaha uu ku sheegay RA international oo ay leedahay haweenay carab ah, halkan waxaa ku jiro is-diidooyin badan oo abuuraya shaki, wariyaha wuxu sheegayaa in musuqii uu ku raadjoogay uu la galay xarunta xalane, asiga oo dhuumalaysi ahna galay xarunta Xalane!
Halkan dhowr su’aal oo jawaab u baahan ayaa ku jiro:
1- Wariye Terra wuxuu soo bandhigay warqad uu ku sheegay inay sir tahay oo shirkadda RA international ay heshiis kula saxiixatay shakhsiyaad ka tirsanaa dowladdii Xasan sheekh, warqada sirta ee uu soo badnhigayo waxa ku qoran in heshiiska shirkadda lala saxiixday 2017-da, waa is-diido aan si naba isu waafaqaynin in waqtiga la saxiixay heshiiska shakhsiyaadkaasi xil ma haynin.
2-  Wariyaha maadama uu ku raadjoogay musuq-maasuqa dowladda, fursad dhuumaaleysina uu ku helay gellida Xalane, maxa RA International kaliya ku koobay, sida aan ogsoonnahay xaruntaas waxa ku yaallo ganacsiyo aad u balaaran oo ay wada leeyihiin siyaasiyiin hadda xukunka haya, hoggaamiye kooxeedyo Muqdisho kaso taliyay iyo qaar kale?

Terra Waydiiya!
Wariyaha soo tebinaya barnaamijka marna masoo hadal qaadin shirkadda loo xiray sahminta shidaalka Soomaaliya ku jiro ee Som oil and Gas oo ah shirkadda ugu weyn musuq-maasuq oo si xaaraan ah ku qaadatay sahminta shidaalka Soomaaliya, musuq-maasuqa iyo sharci-darrada shirkadan waxay gaartay maxkamadaha iyo caddaallada UK, milkiilayaasha iyo maamulayaasha shirkadan waxaa kamid ahaan jiray Xasan Cali Kheyre oo maalin un kadib markii loo magacaabay RW la sheegay inuu iska casilay. Ilaa hadda lama ogo heshiis lala galay, cid la gashay iyo cid ansixisay intaba. Wariyaha waydiiya sababta uusan uso bandhigin, maadama heshiiskeeda la galay waqtigii Xasan sheekh.





Tuesday, September 4, 2018

ABDI ILEY: THE CONTEMPORARY SELF-DESTRUCTIVE POWER MANIAC


The old apothegm “the higher they rise the harder they fall” appropriately delineates Abdi Iley’s fall in the past few weeks. The despotic imposter was a disaster imposed upon the Somali region by the rogue Tigre generals who terrorized Ethiopia for the last 20 years. The Tigre generals assigned Abdi Iley as the head of security of the region around 2005, and subsequently, the ill-fated “regional president” after fulfilling their prerequisites of occupying that ridiculous office– ensured he fulfilled their objectives by becoming a vicious murderer.
Abdi, as his manufacturers desired, killed many innocent civilians in that region and committed unimaginable crimes of greater proportions. He put rouge Tigreyans and merciless Amhara together to shame. He has massacred more than Mengistu and Haile Selassie combined. The ancient adage “May God bless the former rulers” aptly elucidates Abdi Iley’s barbaric brutality and crude cruelty. It’s estimated about 60-70 thousand people died during his reign.
Thousands suffered apparent shootings, extra-judicial killings, and longevity of detention, arbitrary arrests, rape, extreme torture, humiliation and constant intimidation. Jail Ogaden is the well-known notorious concentration camp, where desolation of human rights is the norm, and prisoners of all kinds are humiliated by the hands of his vicious  Liyu police– a euphemism for murderers. Even in the Liyyu police ranks, he culled every officer with a unique sense of integrity, proven ability, intrinsic benevolent, and commitment.
He has subjected the public to constant fear and delirious worship of him and his manufactures’ philosophical poverty of listen to me dutifully. The unrequited Ethiopian suffered cultural insecurity and his artificial pride of Ethiopianness and eradication of Somaliness were beyond recognition.
Somali region previous flag (left) and the current flag
He has abrogated the flag with the white star unilaterally, forced the public to swallow the insult of Ethiopianism which was indigestible by nature and negated Somaliness.He destroyed ONLF, demonized great Somali heroes and freedom fighters, brought Somalia to its knees, and supplanted himself as a demigod demagogue.
To perform his malicious activities, he formulated criminal networks that he had already brainwashed. The first one was the Liyu police, followed by the so called “Somali People Democratic Party” the ESTV, and other  mouthpiece media outlets. The party is a cult and profiteering network enterprise that Abdi Iley held its remote to rubber-stamp draconian bills and destructive decisions. Most of the interlopers used to be invited guests and victims of his brutalities. Their minds had been numbed and reduced into unreflective statuses. Any sign of thoughtfulness or opposition was perpetual ostracism and ex-communication punishable by death.
He perfected the profession of suffocating the truth and incessantly fed the public with cocktails of fabrications and fake news such as building bridges where there were no rivers and irrigable lands and where farms were nonexistent.
His owners, the Tigre generals who tacitly approved and encouraged him by their silence and erroneously thought that he was a deity worth venerating. There were ironclad evidences of torture and human rights violations that Abdi Iley was committing and they were aware of that, but that was his intended job to do. So what?
Since “that has a beginning has an end”, eventually, the bedlamite, one-time use Abdi Iley became a victim of his own self-destruction. Indeed, that is the torment of every autocratic beguiler and dictator.
The change that brought Prime Minister Abiy Ahmed into power sent Abdi Iley into oblivion and made him incompetent. Simply because he was a TPLF instrument, his expiry date is over and his fate sealed for good. Now, Abiy wants to manufacture another stooge–an Oromo puppet who will continue with the unfinished project—in the Somali inhabited region.
As though, he was remembering the wisdom, “Qabyo qofkeedaa dhamaystira”, the constitutional legality of Abiy Ahmed’s action to remove Abdi Iley by force, should not bother anyone, because, neither Abiy nor Abdi Iley came through social desire and political legitimacy in the region. Thus, there was no constitutional basis for the presence Abdi Iley in the first place, so is Abiy’s abominable army of occupation. Therefore, Abdi Iley and his substitutes, will, in no way, make credible changes to the living conditions of the people in that region. It’s the parable of interchanging wolfs with wild dogs, and python with a black mamba.
Until the fundamental colonial question of Haud and Reserved Area, is properly addressed, replicating one puppet with another, will only lead to another episode.

Previously, this piece was published in wardheernews.com- http://www.wardheernews.com/abdi-iley-the-contemporary-self-destructive-power-maniac/


Omar Yusuf Abdulle

Saturday, August 25, 2018

Dagaalka dhaqaale ee ka dhanka ah Turkiga.


Hordhac
Tan iyo markii madaxweyne Donald Trump xilka qabtay, dunida waxay wajahday khalkhal dhaqaale, taa oo loo aaneynayo sarre u qaadida maraykanka ee lacagta dulsaarka, sarre u qaadista canshuuraha alaabaha la keeno Maraykanka iyo guud ahaan siyaasadiisa dhaqaale ee ku wajahan dunida inteeda kale, dagaalkan wuxuu si ba’an u saameeyey dhaqaalaha Turkiga waxaana hoos-u-dhac aad u weyn ku yimid Liiraha Turkiga.
Toddobaadkii hore, warbaahinta dunida, kuwa gudaha, indhaha shacabka Turkida ah, iyo guud ahaan caalamkuba waxay ahaayeen kuwo ku foogan suuqyada sarrifka lacagaha qalaad ka dib markii hoos u dhac ku yimid qiimaha sarrifka lacagta Liiraha Turkida (TL); deggenaan la’aanta sarrifku waxay keentay jahawareer iyo welwel shacabku ka qaaday mustaqbalka dhaqaalaha waddanka jeer goor danbe Madaxweyne Erdogan ugu baaqay shacabka inay isdejiyaan, ayna ka guuleysan doonaan dagaalkan dhaqaale ee lagu soo qaaday.
Sannadkii 2013 Turkiga waxaa ka dhacay dibadbax aad u ballaaran oo lagaga soo horjeeday hab maamulka Madaxweyne Erdogan, tan iyo wixii intaa ka danbeeyay, xiriirka Turkiga iyo reer galbeedku ma ahayn mid wanaagsan, waxa uu ku jiray sabbayn oo hadba dan waqtiyaysan ayaa isu keeneysay labada dhinac. 24’kii Juun isla sannadkan, shacabka Turkigu waxay u dareereen goobaha  codbixinta iyaga oo mar kale dib u doortay Madaxweyne Erdogan. Dib u doorashada Erdogan waxay welwel kusii abuurtay waddamo badan oo reer galbeed ah waayo Erdogan wuxuu yeeshay awood ka badan intii hore.
Labadii sanno ee u danbeysay, dhaqaalaha Turkigu wuxuu la ciirciirayey daynta shirkadaha, sicirbarar, iyo arrimo kale, iyadoo ay sidaa jirto aya Maraykanku sii tukhuntukheeyey. Hoos-u-dhaca waxaa keenay dagaal dhaqaale oo Maraykanku ku soo qaaday Turkiga. Haddaba, maqaalkan waxaan ku faaqidi doonaa dagaalka dhaqaale ee Turkiga iyo Maraykanka u dhexeeya, waxa sababay hoos-u-dhaca lacagta Turkiga, siyaasadda ay dawladda ku waajahday iyo saamaynta arrintani ku yeelan karto dunida inteeda kale gaar ahaan Soomaaliya.

Halkee ayuu ku xiran yahay dhaqaalaha Turkigu?
Dhaqaale ahaan,Turkiga wuxu kamid yahay wadamada hormaray, sido kale waa mid kamid ah wadamada ugu koriimada badan xaga dhaqaalaha, Bankiga adduunka wuxu saadaaliyay in sannadkan 2018 dhaqaalaha Turkiga kor u kici doono 4.7%.
Inta badan Turkiga wuxu dhaqaalahiisa ku tiirsanyahay, canshuurta uu ka qaado, Alaabaha loo beec-geeyo dibadda iyo kuwa laga soo dajiyo Turkiga,waxaa iyana la dafiri karin qarashaadka kaso xaroodo xaga dalxiiska. Sannadkan 2018, waxa la filayaa in tirada dalxiisayaasha soo booqan doonto Turkiga ay gaarto 40 milyan.
Turkiga isku filnaansho dhaqaale oo buuxdo wali ma gaarin, gaar ahaan xaga warshadaha, tiknoolojiyada iyo soo saarista gaaska dabiiciga ah. China, Germany, Russia, US iyo Italy ayaa ah wadamada ugu badan ee wax laga soo dajiyo(Import). Dhanka kale, dhaqalaha Turkiga waxa doowr weyn ka cayaaro dhoofinta dharka, cuntada, soo saarista birta iyo qalabka gaadiidka lagu farsameeyo gudaha Turkiga, wuxuuna inta badan u dhoofiyaa wadamada kal ah: Germany, UK, Iraq, Italy, US, France iyo qaarkale oo badan

Maxaa keenay hoos-udhaca liraha
Tan iyo markii madaxweyne Donald Trump xilka qabtay, dunida waxay wajahday khalkhal maaliyadeed, taa oo loo aaneynayo sarre u qaadida maraykanka ee lacagta dulsaarka, sarre u qaadista canshuuraha alaabaha la keeno Maraykanka iyo guud ahaan siyaasadiisa dhaqaale ee ku wajahan dunida inteeda kale.
Sannadkii u danbeeyey dhaqaalaha Turkiga wuxu ahaa mid sabbeynayey, waxaana laga dareemayey hoos-udhac aad u balaaran, waayo dhaqaalaha Turkiga wuxuu la ciirciirayey daynta shirkadaha, sicirbarar, iyo arrimo kale.  iyadoo ay sidaa jirto aya Maraykanku sii tukhuntukheeyey. Hoos-udhacan wuxu saameyn weyn ku yeeshay shirkaddaha iyo bankiyada waa weyn ee Turkiga ka howl-galo. Waayo, shirkadahan waxay deymo ku qiimeysan dollar kasoo qaatan dibadda Turkiga. Tusaalle ahaan shirkad caalami oo Turkiga ka howl gasho aya $100 deyn ahaan dibadda kaso amaahatay si ay ugu maalgeliso Turkiga. Marka ay amaahda dibadda soo qaadanaysay $100 wuxu u dhigmay 3.90 Liraha Turkiga, balse marka ay isleedahay deyntii aad soo qaadatay dib u celi $100 wuxu la qiimo noqday 650 liraha Turkiga. Qiyaas ahaan 80% ayay khasaaraysaa shirkadan, waxaana ku adkaanayso inay dib isaga bixiso deyntii ay soo qaadatay. Tanni waxay keentay in bankiyada iyo shirkadaha caalamiga ee Turkiga ka howl gala welwel badan muujiyaan, qaarkoodna kala baxaan lacagaha u yaalo Turkiga maadama dhaqaalaha Turkiga cago badan ku fadhinin.
Iyadoo ay sidaa jirto, aya dhaqaaloyahanno badan ku sifeeyeen in arrintan ay tahay mid xiriir la leh siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Turkiga oo sannadahii u danbeysay ahayd mid aad u hooseyso.
Ka dib Afgembigii dhicisoobay ee labo sano ka hor ka dhacay Turkiga, xiriirka labada dal wuxu ahaa mid aad u hooseeya. Turkigu wuxuu afgembigaa fashilmay ku eedeeyey wadaad asalkiisa Turkiga ah oo ku nool Maraykanka, wuxuuna codsaday in loo soo gacangeliyo, halka Maraykanku uusan waxba ka soo qaadin codsigii Turkiga.  
Dawladda Turkigu, markii ay ku badatay munaafaqadda reer galbeedka, waxay xiriir siyaasadeed iyo mid dhaqaale la yeelatay Ruushka iyo Iiraan— waxayna iska diiday in ay ka qaybqaadato cunaqabataynta dhaqaale ee lagu soo rogay Iiraan. Turkigu wuxuu qorshaynayaa in uu Ruushka ka soo iibsado nidaamka difaaca gantaallada riddada dheer ee S-400, halka reer galbeedku ay ka xun yihiin in waddan ka tirsan NATO heshiis noocaas ah uu la galo Ruushka. Waxaa sidoo kale la isku hayaa sidii loo wajahi lahaa guud ahaan xaaladda Suuriya.
Iyada oo ay arrintan jirto ayaa dawladda Turkigu Oktoobar 2016 waxay xirtay wadaad masiixi Ameerikaan ah oo la yiraahdo Andrew Brunson. 

Waxaa ninkan lagu eedeeyey jaajuusnimo iyo inuu gacansaar la lahaa kooxdii ka dambaysay afgembigii fashilmay 2016’kii. Dawladda Maraykanku waxay codsatay in wadaadkan la sii daayo haddii kale Turkigu la kulmi doono cawaaqib xumo. Turkigu wuu ka dhego-adaygay baaqii Maraykanka wuxuuna sheegay in hay’adaha garsoorka Turkigu ay yihiin kuwo madaxbannaan oo aan dibadda wax looga yeerin karin.
Dhawr maalmood ka dib dawladda Maraykanka ayaa xayiraad dhaqaalle ku soo rogtay Wasiirrada caddaaladda iyo Arrimaha Gudaha ee Turkiga, waxayna xannibtay dhaqaalaha ka yaalla Maraykanka. Dawladda Turkigu iyada oo ka jawaabaysa arrintaas ayay sheegtay in iyadu xayiraad dhaqaalle kuso rogtay Xoghayaha Caddaaladda iyo Arrimaha Gudaha ee Maraykanka. Arrintan ayaa keentay in hoos-u-dhac ba’an uu ku yimaaddo lacagta Liiraha ee Turkiga.
Dawladda Turkigu waxay isku dayday inay la timaaddo siyaasad dhaqaale oo arrintan wax looga qabanayo, balse dawladda Maraykanka ayaa mar kale cashuurta ku kordhisay alamiiniyamka iyo birta Turkidu u dhoofiyaan Maraykanka. Taasi waxay keentay in sicirbararku uu gaaro 15%, suuqa saamiyada Turkiguna wuxuu hoos u dhacay 17%, liirahana waxaa ku yimid hoos-u-dhacii ugu ballaarnaa tan iyo markii AKP xilka qabteen sannadkii 2002’dii.
Sidee Turkida ugu falceliyeen hoos-udhaca liraha.
Xukuumadda Turkiga waxay qaaday tallaabooyin dhowr ah si ay xal kama danbeys ah ugu gaarto hoos-udhaca ku yimid liraha Turkiga. Bangiga Dhexe ayaa wacad ku maray in ay bangiyada siinayaan lacago kab ah haddii ay u baahdaan.. Sido kale, wasaaradda warshadaha ayaa ku dhawaaqday in $ 1.2bn ay ku bixineyso kor u qaadka wax soosaarka warshadaha Turkiga. Wasaarada ganacsiga waxay soo bandhigtay qorshe ah inay hoos u dhigaan qiimo kororka ascaarta, sido kale wuxu sheegay in Turkiga isku dheelitiri doono dhoofinta (expoert) iyo alaabaha dibadda kaga yimaado (import). Sido kale, wasiirka maaliyada Berat Albayrak aya kulan weyn la qaatay ganacsatada ugu waa weyn wadanka si loo dhageysto cabashadooda, maalgashina ugu sameeystaan Turkiga.
Madaxweyne Erdogan, waxay u noqotay fursad uu ku kiciyo dadkiisa, wuxuuna indhaha shacabka ku jeediyay reer galbeedka. Hoos-udhaca liraha wuxu dusha kaga tuuray Maraykanka isagoo sheegay in Turkiga lagu soo qaaday dagaal dhaqaale oo aad u weyn, loona baahanyahay in si wadajir looga hortago, Madaxweynaha wuxu shacabka ugu baaqay inay u hiiliyaan qarankooda, cid walbo oo hal dollar haysato wuxu ugu baaqay inay u beddelaan lacagta liraha si lacagta Turkida awood u yeelato.
Erodgan wuxu shacabka Turkida ugu baaqay inaysan iibsanin qalabka Elektaroonika iyo tiknooliyada ee Maraykanka laga soo saaro wuxuuna yiri:
“Haddii ay haystaan iPhone, dhinaca kale wuxuu leeyahay Samsung. Waddankayaga wuxu leeyahy Venus iyo Vestel".
Bangiga dhexe ee Turkiga ayaa qaaday tallaabooyin wax ku ool ah, si kor loogu qaado qiimaha lacagta Turkiga, hase yeeshee tallaaooyinkaa iyo kuwa kale oo dowladdu ku dhawaaqday inay qaadayso ma ahayn mid ku filan ama xal u noqon kartay hoos-udhaca dhaqaale ee Turkiga soo wajahday. Daanta kale, Turkiga wuxuu qaaday talaabooyin diblumaasiyadeed si xal looga gaaro arrintan.
Jarmalka, Qatar iyo Ruushka waxay sheegen inay garab taaganyihiin Turkiga, dagaalka dhaqaale ee lagu haayane uu yahay mid sharci-darro ah. Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa ku dhawaaqay $ 15bn oo taagero maalgelin ah uu siin doono Turkiga, wuxuuna booqasho ku yimid Ankara, wuxu sheegay inuu garab taaganyahay Turkiga, si dhakhso ahne lacagtaas uso gaari doonto Bankiga dhexe ee Turkiga.
Saameeynta hoos-udhacan ku yeeshay Turkida iyo dunida inteeda kale.
Hoos u dhacaan ayaa wuxuu sababay sicir barar baahsan oo ku yimid dhamaan badeecada laga isticmaalo dalka Turkiga tusaalle ahaan; Wargayska financial Times aya soo wariyay in qiimaha roodhiga 25% kor u kacay, halka qiimaha Iphone kor u kacay 25%. sido kale, gaaska dabiiga ah aya lasoo wariyay in %50 kor u kacay.
Sida aan horri usoo sheegay, hoos-udhaca kaliya kuma koobna Turkiga, waxa si wadajir ah looga dareemay  wadamo badan oo dunida kamid ah; Lacagta Argentine mudadii isbuuca ahayd waxay hoos u dhacday 9.5%, South African rand 8%, Chilean peso waxay hoos u dhacday 3.4%. Waxa sido kale hoos-udhac lacageed laga dareemay wadamada kala ah: Iranian, Russian, Indian rupee,  Chinese yuan- wadamadan oo dhan waxay ka simanyihiin inay u deymeysanyihiin dollarka maraykanka.
Hoos-u-dhacan dhaqaalaha Turkiga waxaa saamaynteeda aad looga dareemay Hindiya oo xiriir ganacsi kala dhexeeyo Turkiga. Sidoo kale waxaa la filayaa in waddammo badan oo ka tirsan Yurub oo maalgashi ku leh Turkiga laga dareemo.
Soomaaliya, waxaa macquul ah inay saamayso hoos-udhacan kuyimid liraha Turkiga, waxaa la saadaalinayaa haddii hoos-udhacan uu sii socdo in uu sameeyn ku yeelan karo taageeradii Turkigu uu siin jiray Bankiga Dhexe ama qarashkii uu ku kabi jiray miisaaniyadda dawladda Soomaaliya, waayo waxaa la saadaalinayaa in Turkigu ay yarayn doonaan dhaqaalaha ay siiyaan waddammada Afrika.
Dhanka kale arrintan waxay yeelan kartaa faa’iido aad u badan; haddii ganacsatada Soomaaliyeed inta ay doollar la yimaaddaan ay kaga adeegtaan, ama ay iibsadaan guryo maadaama qiimahoodii hoos u dhacay— qofkii lacag doolar ah haystaa wuxu helayaa guryo rakhiis ah.