Maansadan soo socoto waa
hal abuurkeeygi koowad ama isku daygii koowad ee an isku dayey inan wax curin
karo, Alxamdulilah waana ku guuleystay, hadii aad aragto qaladaad farsamo
ama mid kale weey ku furantahay inaad i saxdo.
Waxan rabaa inan halkan ogu
Mahadceliyo saxibkeey misane Abwaan da'a yar abwaan Cilmi oo igu dhiira
geliyey, qaladaad badane iga saxay. sido kale ma hilmaami doono ooraahdiisi
aheyd "Afkaaga cidna marti ha oga noqonin" taa oo igu dhiiri
gelisay inanhakanin ilaa aan labo erey isku aadiyo. Maansa-du waxay ku saabsantahay soo ifbixii maalmahan ay soo ifbaxday warar sheegaya in Webiga
Shabeelle uu biyo yareeyey, halka degmooyin qaarne uu biyo joojiyey,
taa oo ay ogu wacneeyd in dowladda Itoobiya ay biyo xireen
ka sameysay Magaalada Godeey oo kamid ah dhulalka Soomaliyeed oo Itoobiya ay Maamusho.
Qeybta Hore ee Maansa-du
waxan kaga hadlaya hilow aan uqabo Magaladi aan kuso barbaaray ee Beledweyne
oo aan soo xasuustay waqtigii aan yaraa iyo sidan ogu dabaalan jiray
Webiga, sido kale qeybaha danbe waxan kaga hadlaa in reer Godeey 'aan sidii ogu lisnay aynan noogu hanbeeynin' oo an ogu beerlaxawsanaa in walaaltinimo iyo hiil innaga
dhaxeeyo, qeybta udanbeysana in Hogaamiyayaasheena maanta ay gabeen dantii aynu
u igmannay oo ogu yaraan Baaq dowladnimo ay gabeen, waayo shuruucda dunida u
taallo aya xaq inoo wada siini anaga iyo Itoobiya in si isla siman aan ogu
faa'iideysano qeyraadka Webiga Shabeelle. isku soo wada duubo guud ahan
Maansad-du waa baaq aan u diraa shacbigeeyga Soomaliyeed si ay noogu raadiyan
cid kuwan noo badasho. Aqrin wacan...
Haddaad benaadir joogtiyo
Kolaad berri dhex aaddaba
Boholyowgu waa koow
La bukooday xiisahee
Allow yaa i buubshoo
Beledweyn i geeya.
Boholyowga beledweyn
Hadraawow la baa’bee
u ilooway baadkee
Anigana barbaartii,
Bartankeeda
joogtaa,
Bogga iiga taalloo,
Ka ba'eynin abidoo,
Dhulkii beeraha
wacan lahaa iyo
Webigii butaaci jiray
Maanta waa barkumataal
Biyo la’anta webigiyo,
Ba'a iyo harraadaha,
Waa wax
loo bareeree,
Bulshayahay baraaruga,
Wax badbaadsha raadiya!.
Buuryaqabe amxaarkaa,
Biya xiray shabeellee,
Baal webiga leexsaday
Baryo nama dhextaallee,
Bahdii reer godeeyaay,
Kalgacayl aan bi'inoo,
Beylah
laga ilaalshiyo,
Isbaheysigeennii, maxaa baal ka dhaawacay?
Allahayow maxay baday
Mid barkada xilkiisoo,
Beylahiyay dhulkiiyoo,
Bayaan dowladnimo gabay!
Berri baan u baqayaa,
Barwaaqada la tuugsadee
Biyahana la waayee,
Halkeen beegsan doonnaa?
Biyo la’anta webigiyo,
Ba'a iyo
harraadaha,
Waa wax loo bareeree,
Bulshayahay baraaruga ,
Wax badbaadsha raadiya.
