Sideedda bisha aan ku jirno, Baarlamaanka Soomaaliya wuxu doortay Madaxweyne hoggaamin doono dalka afarta sano ee soo socoto. Waxa halkaa ku soo gabagaboobay olole socday bilooyin iyo qaar sanado ba la dhihi karo, kaa oo markii danbe horseeday in isbeddel xagga hoggaanka uu ka dhaco Soomaaliya.
Isbeddelka dhacay qof walba si u gooni ayuu u fasirtay. Balse haddii aan eegno macnaha "erey bixinta “Isbeddel’, waxa ay luuqad ahaan ka dhigan tahay; in wax laga dhigo si ka duwan sidii ay markii hore ahaayeen, marka siyaasadda iyo dowladnimada la soo geliyana ‘isbeddel-siyaasadeedku’ waxa uu la macno yahay; isbeddel ku yimaada hogganka dalka iyo weliba habka dowladnimada. Waxa ay noqon kartaa iyada oo doorasho lagu beddelo hoggaamiyaha ama uu dhinto jeer uu xilkii weli haayo”. laakin macnaha Soomaalidu u taqaanno isbeddel siyaasadeed waa in kursiga ku kala wareegto laba qof. Halka macnaha dhabta ah uu yahay in isbeddel uu ku yimaado habka dowladnimada iyadoo hoggaanka cusub la imaanayo qorshayaal uu wax kaga badalayo kuwii hore, ama qorshayaal iyo mashaariic hormarineed ee aan hori loo fulin.
Soomaaliya waa waddan ay ragaadisay dowlad xumo, musuq-maasuq iyo ku takrifal awoodeed. Waa meel musuq-maasuqu qayb ka noqday dhaqan dowladeedka jira, shacabkuna u arkaan wax iska caadi ah. Musharraxi tabardarro kaga hara hardanka iyo tartanka musharaxnimada, shacabku waxay dhahayan; hebel lacag ma haysto sida awgeed buu kaga haray tartanka. Tanni waxay keentay in shacabku aaminaan in haddii qofka ugu sarreeya waddanka la badalo uu waddanku hagaagayo, balse, isbeddel siyaasadeedka dhabta ah waa mid wax lagaga badalayo dhaqan siyaasadeedka xun ee ragaadiyey dalka.
Doorashadan, musuq-maasuqu xad iyo xisaab toona malahayn. Maadaama xildhibaannada inta badan lagu soo doortay magaaloyin ka baxsan caasimadda. waxaan ka mid ahaa muwaaddiniin badan oo fursad u hellay in dib ugu laabtan deegannadii ay ka soo jeedeen, waxaan safar ku tagay magaalada Cadaado oo hadda fadhiisin ku meel gaar u ah maamulka GALMUDUG. Si guud dalka oo idil iyo si khaasa GALMUDUGba; musuqu wuxu ahaa mid aan xad iyo xisaab lahayn, kuraasta qaar ee xildhibaannada waxa lagu sheegay, in dhowr milyan lagu bixiyey, qaar kumanaan dollar, halka qaar aan sidaa u badnayn musuq la’aan ku soo baxeen.
Dowladnimada Soomaaliya ee xorta ah waxay soo billaabatay bartamihii 1960. Ilaa iyo hadda waxay maraysay marba heer. 2017 ma ahan markii ay ugu sarreysay. Haddana marka la eego burburkii ka dib, dhaliili ha jirto, laakiin waxaa socda kororsiimo ay ku sii xoogeysanayso dowladnimada Soomaaliya”. Tartanku ma ahayn mid sahlan, ololaha midkiisa ugu xooggan wuxuu ka dhacay caasimadda maalmahi ugu danbeeyey ee doorashadu. Musharaxiinta badankood waxay shacab iyo xubnaha Baarlamaankuba u soo bandhigayeen qorshahooda, iyagoo geesta kale maalin walba eedeymo, jallaafo iyo jaa’ifooyin dhexdooda isku hayey. Waxa loo kala bartamayey la kulanka beesha caalamka si loogu dacwoodo habka ay wax u socdeen maadama beesha caalamku ahayd cidda kharashka ugu badan ee doorashada bixisay.
Marka doorashadu soo dhawayd musharax walba wuxuu isu arkayey inu yahay midka qura ee Soomaaliya dhibaatada ka saari kara, si la mid ahna wuxu ballan qaadayey inuu soo celin doono sharaftii iyo haybaddii luntay, dhisi doonana Soomaaliyada cusub. Halka musharaxiintu badankood aaminsanaayeen in asiga ma ahane cid kale guuleysan doonin, waxaana ka mid ahaa Tarsan oo sheegay in uu soo gudbi doono ilaa wareegga saddexaad, iyo Shiikh Shariif oo isku caleema saaray Madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda, sheegayne in cid aan isaga ahayn guuleysan doonin.
Marka la isku soo daro intaa oo idil, rajada shacabku aad ayay u hooseysay, waxayna aaminsanaayeen in ixtimaalka isbeddel ku dhici karo aad u yaryahay, qaar kale waxay sii ogaayeen doorashadii xildhibaannadu ku soo baxeen iyo doorashadan oo loogu magacabay ‘doorasho dadban’ balse aragti walba oo xun ma dhasho natiijo xun. Ugu danbeyn siddeedii Febraayo labada gole ee shacabku wuxuu cod u qaaday ku dhawaad 24 musharax.
Wareeggii u danbeeyay waxaa isugu soo haray Xasan Shiikh iyo Farmaajo. Is qiimeyn ka dib Xasan wuxu gartay inuu tanaasulo, waxaana halkaa si dimuqraaddiyad leh dhammaan musharaxiintu u aqbaleen natiijada. Halkii ayaana lagu dhaariyey Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Farmaajo.
Haa, ma ahayn markeennii koowad, oo dimuqraadiyaddu waxay ahayd dhaxal ay nooga tageen awoowayaal, oo waxa tusaale kuugu filan, in Soomaaliya ay tahay waddankii ugu horreeyey Afrika ee si nabada xilka ugu kala wareegeen laba madaxweyne, waqti Afrika doorasho iyo dimuqraadiyad ba aan laga aqoon. Taa maanta waxay sababtay in madaxweyne Xasan si nabad iyo sharaf ku jirto u aqbalo natiijada xilkana u wareejiyo.
Baarlamaanku ku ma doorannin Farmaajo in uu ahaa Musharaxii xildhibaannadu ugu jeclaayeen, ee wuxuu fursad ka helay isku tanaasul la’aanti Sh. Shariif iyo Xasan Shiikh, si la mid ah waxa jiray xildhibaanno badan oo u arkayey Farmaajo in uu ahaa musharaxa ugu roon musharaxiinta tartamayey, waayo, Farmaajo wuxu u muuqday mid ololahiisii la jaanqaadsiiyey qiiro waddaniyaddeedka Soomaalidu mooddo in qaran lagu badbaadiyo.
Dad badan waxay isbeddelku u arkeen mid halaalac dowladnimo iyo hammigii aan ku taami jirnay huwisan oo hangalkii 26 sano ka hor xirannay naga qaadi doono. Meel walba waxa ka soo yeertay Maandeeq baa dib u curatay, qabyaaladdi wey dhammaatay, hadda unbaa dowladnimo sax ah la helay. Balse xaqiiqdu middaa ka duwan.
Waxa hubaal ah in Farmaajo Madaxweyne u noqday ummad rabto in qiiro, qabyaalad iyo ficiltan, qaran dhan oo muddo burbursan ugu hiilliso, balse si hoggaanka cusub iyo Soomaaliyaba u guuleysato waxa laga maarmaan ah in qof walba- dhallinyaro, aqoonyahan, haweenka iyo odoyaalba in masuuliyadda qaranka ka saaran ogaado, oo qayb uu ka noqdo horumarka dalka iyo dadka higsanayo. Waxa hubaal ah in hal iyo laba qof kaliya isbeddel keeni karin.
Marka laga soo tago ballanqaadyadii Madaxweyne Farmaajo uu ka horjeediyey labada aqal ee Baarlamaanka, Isbeddelkan cusub waxa lagu fasiri karaa in Soomaaliya ay cagta saartay waddadii ay ku gaari laheyd hannaan demoqoraadiyadeed oo ku dhisan hal qof iyo hal cod sanada 2021, Waxa kale oo lagu fasiri karaa in Soomaaliya ay doonayso in ay ka guurto nidaamkii hore 4.5 oo ku dhisnaa qabiilka una guuri doonto nidaamka cusub ee xisbiyada, taa oo keen doonta in mustaqbalka lagu kala baratamo kalsoonida shacabka maadaama la rajayna in 2021 shacabku wax dooran doonan.
La soco qaybta labaad oo fursadaha iyo caqabaha horyaallo Madaxweynaha aan kaga hadli doono.
Tixraac
Yusuf Garaad. http://yusuf-garaad.blogspot.com.tr/2017/02/dhawaq-farax-leh-mooyee-dhiillo-kama.html