Saturday, September 16, 2017

Bandhigga buugta Muqdisho



"Wixii qoran baa quruumo haree
Muxuu hadal qiimo leeyahay" Cabdi Sinnimo.


Bandhiga buugaagta ayaa  sanadkii saddexaad wuxuu ka dhacay magaala madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, waa arrin leh nayaayirkeeda iyo riyaaqeeda,  maxaa yeelay  waxaa dhaboobey, oraahdii ahayd: “Qoriga dhig ee qalinka qaaddo”.

Sannado badan oo dagaallo sokeeye, dibudhac dhaqandhaqaalle iyo mid bulsheed ka jirey  guud ahaan dalka haba ugu badnaato caasimadda Muqdisho, maanta waxa ay marti soortey hal abuurkii, qoraagi, aqoonyahanki, indheergaradki iyo dhammaan intii horumarka jeclayd, waxaa isaga yimid guud ahaan gobollada dalka dhallintii soomaaliyeed, kuwaasoo madal qura u yimid hal ujeeddo oo ah; aqris iyo qoraal.

Bandhigga buugaagta waa mid ka mid ah astaamaha lagu garto soo kabashada bulshooyin dagaallo ragaadiyeen. Soo badashada bandhig buugeedyada guud ahaan gobollada soomaaliya wa ifafaalo muujinayo in aynu hayno tubta toosan ee horumarka dhanka maanka iyo maskaxda, taasoo horseedi karta inay dadkeennu helaan,  midnimada iyo wada noolaansho, waxayna caddeyn u tahay in aan ka gudubnay halhayskii ahaa Soomaalidu tahay “Oral society” bulsho iska hadasha oo wax aan qorin wax na akhrinin.

Kacdoonka iyo kacaan qalinka ee Muqdisho ma ahan mid dhowaanahan billawday, waxa uu soo maray marxallado kala duwan oo ay hoggaaminayen hay'addo aan dowli ahayn iyo shakhsiyaad samofalayaal ah, balse maanta waxay u muuqataa in reer Muqdisho ay dhexda ka galeen kacaanka qalinka ee guud ahan dunida ka socdo.

Muqdisho waxa ay kulmisay; qoraa iyo akhriste, arday iyo macallin, oday iyo gaban aan magac mooye is muuq garanayn, dadku uma soo dibadbixin in ay taageeran muxaafid iyo mucaarad toona, waxa ay uso baxeen in ay taageeraan naftooda kuna hormariyaan akhriska iyo qoraalka. Akhriska iyo qoraalka waa hubka ugu saameynta culus ee maanta dowladdaha dunida isticmaalaan, waana aalada kaliya ee hurdada ka kicin karta malaayiin qof oo qarniyo ka hor lagu sumeeyey cirbada hurdada.

Talo soo jeedin
Bandhigga buugaagta Muqdisho waa bilaw fiican oo yididiilo gelinayso dhallinyaradda jecel akhriska iyo qoraalka ee bulshada soomaaliyeed, buugaagta inta badan aan meesha ku arkay waxa ay ka hadlayen horumarinta nafta. dhallinyarada waxa aan uso jeedin laha in mowduucyada wax laga qoro la ballaariyo, lagana bilaabo qoraalka iyo akhriska; hab qorida wanaagsan, habka ugu fudud ee wax loo akhriyo, arrimaha haasaawaha, arrimaha qooyska, barbaarinta ubadka, cimiladda, sayniska, deegaanka, xoolaha iwm.
Sido kale waxa ii muuqato in dhallinyaradu dhib badan ka haysato dhanka cilmibaarista, buug inta aadan qorin waxa aad u baahantahay in aad samayso cilmibaaris mug leh oo aad wax badan ka ogaato ciwaanka aad wax ka qori rabto, akhriso buugaag aad u badan iyo maqaallo, aadna barato habka tixraaca (reference).
Akademik gobolleedka af soomaaliga (AGA) waxa aan uso jeedin lahaa in ay taageeran dhallinyarada jecel akhriska iyo qoraalka oo ay ku caawiyaan siinta seminaaro ku saabsan hab qorida wanaagan, sido kalena tifatir ku sameeyan buugaagta inta aan la keenin carwooyinka buugaagta ee guud ahaan waddanka.
Ugu danbeyn, maanta waa maalintii u danbeysay carwada buugaagta ee Muqdisho, waxa si wanaagsan u soo gebogeboobey maalin la sugayey,  waxaa hubaal ah in  sanad walba  dad cusub ku soo biirayaan qorayaasha halka  ay sidoo kalena ku soo biirayaan aqristayaal.
Bulshadeenu in badan waxay quursan jireen buugaagta ku qoran Afka Soomaaliga, waxaase maanta muuqata, arrin taas ka duwan oo waxaa dhammaan dhallin iyo waayeel lagu dhaadanayaa aqriska iyo qorista afka hooyo,  waa hubaal in la dhihi karo waa horumar dhanka wanaagsan loo qaaday, waa hirgelin iyo tayeyn afkeenna hooyo helay,  waa haaneedin iyo habeyn lagu sameeyey haykalkii umadeed.
Waxaan dhihi lahaa qof walboow noqo aqriste afkiisa wax ku aqriya, iskuna day haddey suuragal ka tahay  dhankaaga inaad Afkaaga wax ku qorto.
Sawirka qofka qaaday ma garanayo.


Tuesday, June 13, 2017

Maanso- ku socoto kuwa shacabka xasuuqo maalin walbo.

Shacabkii maanta ku shahiidday Hotel Dayax Muqdisho Allaha u naxariisto, inta dhaawacana Allaha caafiyo.
Fariintan jacburka ayan u dirayaa qollada caadeeysatay xasuuqa shacabka oo shisheeyuhu ku adeegto.
Shayddaankan lasoo diraye
Shisheeyuhu ku adeegto
Shaab iyo sheyb
Shacabki wada xasuuqay
Shareecada iyo kheyrka
Shifa aan ka dhigan
Shacab aan dareen qabin
Shahiid laguma noqdee
Nabad maad sharribtaan
Shacabka shaafisaan
War maad la showrtaan
Sheelidda ka dhaaftaan
Sharaf ku noolaatan.
Haddaad na shareysateen
Maad naga shiraacataan
Shaam iyo shiishan
Halka dabku ka shidanyahay
Maad u shahaado doonataan!



FG- jacburkan waxan faafiyey 25 January 2017-da kadib marki qarax dad badan noloshoodi galaaftay uu ka dhacay hotel Dayax- Muqdisho.

Thursday, February 16, 2017

FAHANKA ISBEDDEL SIYAASADEEDKA CUSUB EE SOOMAALIYA: Fursadaha iyo Caqabadaha.

Sideedda bisha aan ku jirno, Baarlamaanka Soomaaliya wuxu doortay Madaxweyne hoggaamin doono dalka afarta sano ee soo socoto. Waxa halkaa ku soo gabagaboobay olole socday bilooyin iyo qaar sanado ba la dhihi karo, kaa oo markii danbe horseeday in isbeddel xagga hoggaanka uu ka dhaco Soomaaliya.
Isbeddelka dhacay qof walba si u gooni ayuu u fasirtay. Balse haddii aan eegno macnaha "erey bixinta “Isbeddel’, waxa ay luuqad ahaan ka dhigan tahay; in wax laga dhigo si ka duwan sidii ay markii hore ahaayeen, marka siyaasadda iyo dowladnimada la soo geliyana ‘isbeddel-siyaasadeedku’ waxa uu la macno yahay; isbeddel ku yimaada hogganka dalka iyo weliba habka dowladnimada. Waxa ay noqon kartaa iyada oo doorasho lagu beddelo hoggaamiyaha ama uu dhinto jeer uu xilkii weli haayo”. laakin macnaha Soomaalidu u taqaanno isbeddel siyaasadeed waa in kursiga ku kala wareegto laba qof. Halka macnaha dhabta ah uu yahay in isbeddel uu ku yimaado habka dowladnimada iyadoo hoggaanka cusub la imaanayo qorshayaal uu wax kaga badalayo kuwii hore, ama qorshayaal iyo mashaariic hormarineed ee aan hori loo fulin.
    Soomaaliya waa waddan ay ragaadisay dowlad xumo, musuq-maasuq iyo ku takrifal awoodeed. Waa meel musuq-maasuqu qayb ka noqday dhaqan dowladeedka jira, shacabkuna u arkaan wax iska caadi ah. Musharraxi tabardarro kaga hara hardanka iyo tartanka musharaxnimada, shacabku waxay dhahayan; hebel lacag ma haysto sida awgeed buu kaga haray tartanka. Tanni waxay keentay in shacabku aaminaan in haddii qofka ugu sarreeya waddanka la badalo uu waddanku hagaagayo, balse, isbeddel siyaasadeedka dhabta ah waa mid wax lagaga badalayo dhaqan siyaasadeedka xun ee ragaadiyey dalka.
   Doorashadan, musuq-maasuqu xad iyo xisaab toona malahayn. Maadaama xildhibaannada inta badan lagu soo doortay magaaloyin ka baxsan caasimadda.  waxaan ka mid ahaa muwaaddiniin badan oo fursad u hellay in dib ugu laabtan deegannadii ay ka soo jeedeen, waxaan safar ku tagay magaalada Cadaado oo hadda fadhiisin ku meel gaar u ah maamulka GALMUDUG. Si guud dalka oo idil iyo si khaasa GALMUDUGba; musuqu wuxu ahaa mid aan xad iyo xisaab lahayn, kuraasta qaar ee xildhibaannada waxa lagu sheegay, in dhowr milyan lagu bixiyey, qaar kumanaan dollar, halka qaar aan sidaa u badnayn musuq la’aan ku soo baxeen.
 Dowladnimada Soomaaliya ee xorta ah waxay soo billaabatay bartamihii 1960. Ilaa iyo hadda waxay maraysay marba heer. 2017 ma ahan markii ay ugu sarreysay. Haddana marka la eego burburkii ka dib, dhaliili ha jirto, laakiin waxaa socda kororsiimo ay ku sii xoogeysanayso dowladnimada Soomaaliya”. Tartanku ma ahayn mid sahlan, ololaha midkiisa ugu xooggan wuxuu ka dhacay caasimadda maalmahi ugu danbeeyey ee doorashadu. Musharaxiinta badankood waxay shacab iyo xubnaha Baarlamaankuba u soo bandhigayeen qorshahooda, iyagoo geesta kale maalin walba eedeymo, jallaafo iyo jaa’ifooyin dhexdooda isku hayey. Waxa loo kala bartamayey la kulanka beesha caalamka si loogu dacwoodo habka ay wax u socdeen maadama beesha caalamku ahayd cidda kharashka ugu badan ee doorashada bixisay.
Marka doorashadu soo dhawayd musharax walba wuxuu isu arkayey inu yahay midka qura ee Soomaaliya dhibaatada ka saari kara, si la mid ahna wuxu ballan qaadayey inuu soo celin doono sharaftii iyo haybaddii luntay, dhisi doonana Soomaaliyada cusub. Halka musharaxiintu badankood aaminsanaayeen in asiga ma ahane cid kale guuleysan doonin, waxaana ka mid ahaa Tarsan oo sheegay in uu soo gudbi doono ilaa wareegga saddexaad, iyo Shiikh Shariif oo isku caleema saaray Madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda, sheegayne in cid aan isaga ahayn guuleysan doonin.
Marka la isku soo daro intaa oo idil, rajada shacabku aad ayay u hooseysay, waxayna aaminsanaayeen in ixtimaalka isbeddel ku dhici karo aad u yaryahay, qaar kale waxay sii ogaayeen doorashadii xildhibaannadu ku soo baxeen iyo doorashadan oo loogu magacabay ‘doorasho dadban’ balse aragti walba oo xun ma dhasho natiijo xun. Ugu danbeyn siddeedii Febraayo labada gole ee shacabku wuxuu cod u qaaday ku dhawaad 24 musharax.
Wareeggii u danbeeyay waxaa isugu soo haray Xasan Shiikh iyo Farmaajo. Is qiimeyn ka dib Xasan wuxu gartay inuu tanaasulo, waxaana halkaa si dimuqraaddiyad leh dhammaan musharaxiintu u aqbaleen natiijada. Halkii ayaana lagu dhaariyey Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Farmaajo.
  Haa, ma ahayn markeennii koowad, oo dimuqraadiyaddu waxay ahayd dhaxal ay nooga tageen awoowayaal, oo waxa tusaale kuugu filan, in Soomaaliya ay tahay waddankii ugu horreeyey Afrika ee si nabada xilka ugu kala wareegeen laba madaxweyne, waqti Afrika doorasho iyo dimuqraadiyad ba aan laga aqoon. Taa maanta waxay sababtay in madaxweyne Xasan si nabad iyo sharaf ku jirto u aqbalo natiijada xilkana u wareejiyo.
Baarlamaanku ku ma doorannin Farmaajo in uu ahaa Musharaxii xildhibaannadu ugu jeclaayeen, ee wuxuu fursad ka helay isku tanaasul la’aanti Sh. Shariif iyo Xasan Shiikh, si la mid ah waxa jiray xildhibaanno badan oo u arkayey Farmaajo in uu ahaa musharaxa ugu roon musharaxiinta tartamayey, waayo, Farmaajo wuxu u muuqday mid ololahiisii la jaanqaadsiiyey qiiro waddaniyaddeedka Soomaalidu mooddo in qaran lagu badbaadiyo.
Dad badan waxay isbeddelku u arkeen mid halaalac dowladnimo iyo hammigii aan ku taami jirnay huwisan oo hangalkii 26 sano ka hor xirannay naga qaadi doono. Meel walba waxa ka soo yeertay Maandeeq baa dib u curatay, qabyaaladdi wey dhammaatay, hadda unbaa dowladnimo sax ah la helay. Balse xaqiiqdu middaa ka duwan.
Waxa hubaal ah in Farmaajo Madaxweyne u noqday ummad rabto in qiiro, qabyaalad  iyo ficiltan, qaran dhan oo muddo burbursan ugu hiilliso, balse si hoggaanka cusub iyo Soomaaliyaba u guuleysato waxa laga maarmaan ah in qof walba- dhallinyaro, aqoonyahan, haweenka iyo odoyaalba in masuuliyadda qaranka ka saaran ogaado, oo qayb uu ka noqdo horumarka dalka iyo dadka higsanayo. Waxa hubaal ah in hal iyo laba qof kaliya isbeddel keeni karin.
Marka laga soo tago ballanqaadyadii Madaxweyne Farmaajo uu ka horjeediyey labada aqal ee Baarlamaanka, Isbeddelkan cusub waxa lagu fasiri karaa in Soomaaliya ay cagta saartay waddadii ay ku gaari laheyd hannaan demoqoraadiyadeed oo ku dhisan hal qof iyo hal cod sanada 2021, Waxa kale oo lagu fasiri karaa in Soomaaliya ay doonayso in ay ka guurto nidaamkii hore 4.5 oo ku dhisnaa qabiilka una guuri doonto nidaamka cusub ee xisbiyada, taa oo keen doonta in mustaqbalka lagu kala baratamo kalsoonida shacabka maadaama la rajayna in 2021 shacabku wax dooran doonan.

La soco qaybta labaad oo fursadaha iyo caqabaha horyaallo Madaxweynaha aan kaga hadli doono.
Tixraac

 Yusuf Garaad. http://yusuf-garaad.blogspot.com.tr/2017/02/dhawaq-farax-leh-mooyee-dhiillo-kama.html