Sunday, October 9, 2016

Warqad Furan: Murashaxa XORRIYO geeyaa ha guursado!


Waxaan ahay arday wax ka barta waddanka Turkiga. Ma awoodo in aan idin la kulmo, oo dalkii baad joogtaan badankiin, mana awoodo inan idiin kugula soo xiriiro khad taleefan oo qaarkiin olole xooggan baad ku mashquulsantihiin, sidaa oo kale, ma awoodo in codkii muwaadinnimo ee doorashada aan bixiyo. Sidaa awgeed baa garashadaydu i siisay, in aan warqad furan idiin soo diro.
Mudane/Marwo; ogsoonow waxaan ahay wiil dhallinyar ah oo kuu haya ixtiraam, qaddarin iyo xushmadba, lexejeclada uu kaa qabo waddankiisa awgeedna doonayo, in uu kugu biiriyo wixii uu u arko, in ay yihiin tubta toosan ee aan qoomammada danbe lahayn.
Soomaaliya maanta waxey mareeysaa marxallad aad u cakiran dhan walbo, dhaqaalihii iyo amnigii wuxu u afduubanyahay cadaw shisheeye iyo xumatalis aan ahayn kuwii ay xaqa u ahayd inay dadku u dhiibtaan.
Qormadeyda waxay ku soo aaddeeysa xilli aad u adag, oo duruufo dhaqaale ka jiran guud ahan dalka, halka adigane aad laaluush malaayiin Doollar aad kursiga ku dooneysid, oo laga yaabbo, in dawarsi shisheeye ku soo heshay. Sido kale, duruufo amni iyo dirir sokeeye ayaa ka jirta gobollo badan oo waddanka ah. Waqtigan aan qoraalkan qorayo waxa dhiig ku daadanayaa magalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Eebbow qaboojiye.
Dhanka dhallinyarada oo ah ku dhawaad 70% tirada guud ee dadka, waxa heysato caqabado aad u badan, shaqo la’aan baahsan,  xagjireyn, tahriib, dilal joogta ah iyo in lagu eedeyo burcadbadeednimo, oo xabsiyo shisheeye ku dhibaateysanyihiin,  inteenna yar ee qurbaha wax ku baratayne waxaa na heysato hubaal la’aan halkii ay ku soo hiran lahaayeen.
Dhinaca caafimaadku iyo waxbarashadu aad bey u liitaan, iyadoo tirada dadka dugsiyada aado lagu qiyaaso 10% bixiyana lacago aad u badan oo ay u sii dheertahay tayada waxbarashada guud ee dalka oo aad u liidatt.
Dhibaatadaa aan kor ku soo xusay iyo in kaloo badan waxey si cad maalin walbo u hareereeyen nolol maalmeedka in ka badan 12 milyoon qof oo Soomaali ah, rajada kaliya ay qabaanna tahay cidda kursiga ku fadhiisan doonta.  Haddaba, mudane, haddii aad hubto oo himiladeeda aad leedahay waa hubaal, in Rabbi kuu hibeyn doono. Haddii aadan hannaankeeda heynin yeynan kaa noqon hiyikac, hadhoow lagu hungoobo oo lagu halaagsamo.
Sidoo kale ayaa mudane cudurka ogu badan, ee maanta inna heeysta yahay qabiil iyo qabyaalad, ka sii daran oo qabyaaladdii baa la casriyeeyey oo qarankii oo dhan jeexjeex baa qabiillo u leeyihiin oo xudduudo u ka la sheeganayaan. Inanka Hargeysa joogaa wuxuu aaminsanyahay, in aanu lahayn Muqdisho,  ka Garoowe  joogaana Baydhabo, ka Kismaayo joogaana Cadaado. Sidaa u wad oo qabiil waliba dadkiisa wax ay ku shubeen, in ay gobolkan leeyihiin kuwaa kalena aanay lahayn.
Mudane musharax, qarannimo ma noqonaysaa mase tahay? Horta dal noocaas ah baad musharax u tahay oo siyaasiga iyo suldaanku in uu sidaa noqdo ay ogu wacan yihiin, dadkiisuna in sidaa laga dooriyo ay u baahan yihiin ee ogsoonow.

Waa kee halyeeyga xorriyo geeya?
Mudane musharax “xorriyo” ma ahan gabar, si un aad isaga caashaqi karto, oo hadba si kuula jibine jaceylka aad u qaadday, oo ilaa iyo guurna wada gaari kareysaan, ee waa masiirka iyo mustaqbalka hooyooyin aan heysan caafimad, hooseysana inay badbaadan waqtiga dhalmada. Waa masiirka carruur malaayin ka badan oo lagu tilmaamay in 60% ay ku dhintaan iyagoo aan qaangaarin. Waa masiirka boqollaal dhallinyaro, oo ku xiran xabsiyo shisheeye iyo gudaha dalka, iyagoo lagu soo eedeyey xagjirnimo iyo burcadbadeednimo ama u xiran wax aan la aqoon, qaarkoodna iyagoo waddankooda isaga haajira maalin walbo ku hoogmaan kuna baaba’aan saxaraha iyo badaha dunida. Yuunan warankeygu kugu gilgilan, waayo, waxad tahay shakhsi ka dharagsan duruufaha dadka iyo dalku maraayo, waana ku la dareensanahay, in howlo badani ku horyaallaan, oo aad olole ogu jirtid sidii aad u geyn laheyd Xorriyo, una hoggaamin laheyd ummad qallafsan, oo ka la irdhoowday, oo is aaminaad dhex oollin.
Mudane yeynan kaa qaldamin qof walbo xorriyo ma geyo, ee waxan rabnaa hoggaamiye fogaan arag, daacad, karti leh, kana fiyoow fitnadda federaalka iyo qabyaaladda, waayo, asaaggeen waxa innaga reebay hoggaanxumo.
Mudane musharax ma ogsoontahay, inaan ahay dulmane, aan cod ku laheyn ciddii ceynaanka inoo qaban laheyd, waayo, go’aankii dadka Soomaaliyed wuxuu jeebka ogu jiraa shisheeye, odey dhaqameed iyo adigoo aad mooddo, in karti iyo daacadnimo aad ka arradantahay! Balse, waxa hubaal ah, in uu maalin dhalan doono halyeey xorriyo geeyaa, waana marka dadweynuhu codeyn doonaan, oo qof iyo cod lagu ka la guuleysan doono, maadama aan hadda fursaddaa muwaadinnimo ee codeynta aanan heysan. Waxan rabaa, in aan warqaddan furan su’aalo dhowr kugu weydiiyo, ee haddaad isu aragto halyeygii xorriyo geeyn lahaa fadlan warcelin baan ka sugaa.
1- Ma leedahay aragti, istaraatiijiyad iyo qorshe cad, oo aad ku wajahdo faragelinta shisheeye, waayo, dhaqaalo, amni iyo siyaasaddii waddanka inta badan iyagaa afduubtay?
2- Qaabkee baad ku dabargooyn, ku tiirsanaanta shisheeye, si aan is ku filnaansho amni, dhaqaale iyo siyaasad u gaarno?
3- Ma inoo sheegi kartaa qorshahaaga ku aaddan Alshabaab? Ma ku dhiirran kartaa, in dib u heshiisin la la furo? Waa hubaal inan dagaal looga guuleysan karin ee qorshe kale ma heeysaa?
4- Ma aaminsantahay, in awoodda guud ee dowladnimo shacabku leeyihiin oo ay ku dhiiban karaan, kaana qaadan karaan?.
5- Ma aaminsantahay, in danta dowladnimada Soomaliyeed ku jirto, in kaliya hal ama labo koox/dowlad oo Soomaliya daneeya xiriir weyn la la sameeyo? Mana ku dhaqaaqi kartaa arintaasi?
6-  Qorshahaaga buuxa ee dib u dhiska ciidamada xoogga dalka iyo ka saarida ciidamada shisheeye ee waddanka muxuu yahay?
7-  Maxaad ka aaminsantahay midnimada Soomaliya? Ma jiraa qorsho cad oo ku aaddan gooni isu taagga Somaliland?
8- Qorshahaaga iyo muddada aad u diyaarisay dhammeystirka dastuurka KMG iyo afti u qaadidda federaalku intuu la eg yahay?
9-  Qorshahaaga ku aaddan dhibaatooyinka guud ee dhallinyarada iyo dumarka  heeysta maxay yihiin?
10- Qorshahaaga ku aaddan horumarinta tacliinta, caafimaadka, iyo dib uso celinta qaxootiga Soomaliyeed ee dunida daadsan noo qeex?.
Ogsoonoow mudane, weydiimuhu intan wey ka badan, ee waxaan u soo qaatay kana soo qaatay, intii aan is iri aragtideyda gaaban, waa ugu muhimsan yihiin, lagase yaabee, in ay jiraan qodobbo ka muhimsan, balse, mar walba waxaa ku horyaal weydiimahan iyo kuwo kale ama la mid, ee warcelintooda na deeqsii fadlan.

Mahadsanid mduane musharrax.

Cumar Yusuf Cabdulle.
9/10/2016, Istanbul/Turkey.
cumyusuf@gmail.com

Saturday, April 16, 2016

Maanso: Baaq


Maansadan soo socoto waa hal abuurkeeygi koowad ama isku daygii koowad ee an isku dayey inan wax curin karo, Alxamdulilah waana ku  guuleystay, hadii aad aragto qaladaad farsamo ama mid kale weey ku furantahay inaad i saxdo.
Waxan rabaa inan halkan ogu Mahadceliyo saxibkeey misane Abwaan da'a yar abwaan Cilmi oo igu dhiira geliyey, qaladaad badane iga saxay. sido kale ma hilmaami doono ooraahdiisi aheyd "Afkaaga cidna marti ha oga noqonin" taa oo igu dhiiri gelisay inanhakanin ilaa aan labo erey isku aadiyo. Maansa-du waxay ku saabsantahay soo ifbixii maalmahan ay soo ifbaxday warar sheegaya in Webiga Shabeelle uu biyo yareeyey, halka degmooyin qaarne uu biyo joojiyey, taa  oo ay ogu wacneeyd in  dowladda Itoobiya ay biyo xireen ka sameysay Magaalada Godeey oo kamid ah dhulalka Soomaliyeed oo Itoobiya ay Maamusho.
Qeybta Hore ee Maansa-du waxan kaga hadlaya hilow aan uqabo Magaladi aan kuso barbaaray ee Beledweyne oo aan soo xasuustay waqtigii aan yaraa iyo sidan ogu dabaalan jiray Webiga, sido kale qeybaha danbe waxan kaga hadlaa in reer Godeey 'aan sidii ogu lisnay aynan noogu hanbeeynin' oo an ogu beerlaxawsanaa in walaaltinimo iyo hiil innaga dhaxeeyo, qeybta udanbeysana in Hogaamiyayaasheena maanta ay gabeen dantii aynu u igmannay oo ogu yaraan Baaq dowladnimo ay gabeen, waayo shuruucda dunida u taallo aya xaq inoo wada siini anaga iyo Itoobiya in si isla siman aan ogu faa'iideysano qeyraadka Webiga Shabeelle. isku soo wada duubo guud ahan Maansad-du waa baaq aan u diraa shacbigeeyga Soomaliyeed si ay noogu raadiyan cid kuwan noo badasho. Aqrin wacan...


Haddaad benaadir joogtiyo
Kolaad berri dhex aaddaba
Boholyowgu waa koow
La bukooday xiisahee
Allow yaa i buubshoo
Beledweyn i geeya.

Boholyowga beledweyn
Hadraawow la baa’bee
u ilooway baadkee
Anigana barbaartii,
Bartankeeda joogtaa,
Bogga iiga taalloo,
Ka ba'eynin abidoo,

Dhulkii beeraha  wacan lahaa iyo
Webigii butaaci jiray
Maanta waa barkumataal
Biyo la’anta webigiyo,
Ba'a iyo harraadaha,
Waa wax loo bareeree,
Bulshayahay baraaruga,
Wax badbaadsha raadiya!.

Buuryaqabe amxaarkaa,
Biya xiray shabeellee,
Baal webiga leexsaday
Baryo nama dhextaallee,
Bahdii reer godeeyaay,
Kalgacayl aan bi'inoo,
 Beylah laga ilaalshiyo,
Isbaheysigeennii, maxaa baal ka dhaawacay?

Allahayow maxay baday
Mid barkada xilkiisoo,
Beylahiyay dhulkiiyoo,
Bayaan dowladnimo gabay!

Berri baan u baqayaa,
Barwaaqada la tuugsadee
Biyahana la waayee,
Halkeen beegsan doonnaa?

Biyo la’anta webigiyo,
Ba'a iyo harraadaha,
Waa wax loo bareeree,
Bulshayahay baraaruga ,
Wax badbaadsha raadiya.

Tuesday, February 9, 2016

Taariikhda Dagaalkii 1977 kadi

Taariikhda Dagaalkii 1977 kadib

Taariikhda Dagaalkii 1977 kadib


Markii dowladda Ruushka ay laso jirsattay dowladdi Itoobiya, oo ay Ciidamada Xooga ku fashilmeen dagaalki ay kula jireen Dowladda Itoobiya, aya Soomaaliya waxa so wajahday Cabsi xoogan oo ku aadaneyd in Itoobiya iyo xulufadi Midowga Suufiyeet ay kaso gudban xuduud beenadka  balse maxaa dhacay.

Waxa Muqdisho si qarsoodi ah ku yimid ergey ka socday boqortooyadi Iiraan ee xiligaa uu xukumaayey madaxweynahiiMohamad Ridaa Bahlawi oo ku magac dheera (Shaah) kaaso sheegay inuu Bahlaawi  uu Warbaahinta la hadli doono maalinta barri ah uuna u digi doono Itoobiya , asagoo u sheegi doona inaysan Iiraan daawan doonin haddii ay Itoobiya kusoo xad gudubto Xuduudda ay haattan Soomaaliya leedahay.
Maalmo kadib waxa wada Hadlay Wasiirada Arimaha Dibada ee Iiran iyo Itoobiya, ayado Dowladda Itoobiya ay so gudbisay dalab ah inay Soomaaliya iska ilowdo kana noqoto Sheegashada Soomaali  galbeed sidoo kale inay habboon tahay inay Callanka Soomaaliya wax laga badallo kaasoo Astaan u ah Midnimadda shanta Soomaaliyeed, wayo Xabashidu waxay aaminsanyihiin Hadduu Calanka Soomaaliya Xidigta 5 Gees leh sii jiro Colaadda Geeska Afrikana way sii jiraysaa.

Qoraalkan labo arin aya iiga   baxday.

1- Iiraan-tii shallay sida geesinimada leh qarankeena ugarab istagtay iyo Maanta sida fudud ee xidhiidhka logu jaray.
2- In weli dowlada Itoobiya aynan ka tanasulin arinta wax ka badalka Calanka Soomaaliya, wayo Calanku waa astaan tilmaam u ah 5tii Soomaaliyed ama dhamaan shacbiga Soomaaliyed meel walbo uu ku kala noolyahay.

Xigasho:

Qoraalka waxa isku soo uruuriyey Omar Yusuf Abdulle isago kaso xigtay qoraal uu Qoray Faarax Xiirane oo ahaa Sarkaal Nabad Sugida NSS-ta katirsanaa Sanadahii 1976 ilaa 1991