Taariikhda Dagaalkii 1977 kadib
Taariikhda Dagaalkii 1977 kadib
Markii dowladda Ruushka ay laso jirsattay dowladdi Itoobiya, oo ay Ciidamada Xooga ku fashilmeen dagaalki ay kula jireen Dowladda Itoobiya, aya Soomaaliya waxa so wajahday Cabsi xoogan oo ku aadaneyd in Itoobiya iyo xulufadi Midowga Suufiyeet ay kaso gudban xuduud beenadka balse maxaa dhacay.
Waxa Muqdisho si qarsoodi ah ku yimid ergey ka socday boqortooyadi Iiraan ee xiligaa uu xukumaayey madaxweynahiiMohamad Ridaa Bahlawi oo ku magac dheera (Shaah) kaaso sheegay inuu Bahlaawi uu Warbaahinta la hadli doono maalinta barri ah uuna u digi doono Itoobiya , asagoo u sheegi doona inaysan Iiraan daawan doonin haddii ay Itoobiya kusoo xad gudubto Xuduudda ay haattan Soomaaliya leedahay.
Maalmo kadib waxa wada Hadlay Wasiirada Arimaha Dibada ee Iiran iyo Itoobiya, ayado Dowladda Itoobiya ay so gudbisay dalab ah inay Soomaaliya iska ilowdo kana noqoto Sheegashada Soomaali galbeed sidoo kale inay habboon tahay inay Callanka Soomaaliya wax laga badallo kaasoo Astaan u ah Midnimadda shanta Soomaaliyeed, wayo Xabashidu waxay aaminsanyihiin Hadduu Calanka Soomaaliya Xidigta 5 Gees leh sii jiro Colaadda Geeska Afrikana way sii jiraysaa.
Qoraalkan labo arin aya iiga baxday.
1- Iiraan-tii shallay sida geesinimada leh qarankeena ugarab istagtay iyo Maanta sida fudud ee xidhiidhka logu jaray.
2- In weli dowlada Itoobiya aynan ka tanasulin arinta wax ka badalka Calanka Soomaaliya, wayo Calanku waa astaan tilmaam u ah 5tii Soomaaliyed ama dhamaan shacbiga Soomaaliyed meel walbo uu ku kala noolyahay.